Puntland oo ku eedaysay Farmaajo in uu maal-geliyo difaaca aragtida Al-Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo ay dowlada Puntland kawado deeganada Puntland olole lagu  ciribtiraayo xubnaha ururka argagaxisada ee Al Shabaab ayaa  xukummada Puntland wax at madaxweyne Farmaajo ku eedaysay in uu lacag ku bixiyo dacaayad ku salaysan difaacidda aragtida mayala adam ee Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay af-hayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Deperani, ayuu ku sheegay in madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday (Farmaajo) uu lacag ku bixiyay sawir-gacmeed muujinaya arrintaas.

Deperani ayaa tilmaamay in sawir-gacmeedkaas looga been-sheegay xogta ku saabsan 18 nin oo dhowaan Puntland ku fulisay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, saacado kadib markii farshaxaniiste Amiir Caamir uu soo saaray sawir loo ekaysiiyay madaxweyne Deni oo gacantiisa ku tooganaya dad ku qaylinaya in aysan Al-shabaab ahayn.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!