Puntland oo ku dhawaaqday shir caalami ah oo ku saabsan Maal-gashiga Puntland

Reading Time: < 1 minute

Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay qabanayso Shir weyne Caalami ah oo ku saabsan Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Puntland.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdalle Cali Maxamed (Xaashaawe) oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa shaaciyay in Shirkaas la qaban doono inta u dhexaysa 13-15 bishan March.

Wasiir Xaashaawe ayaa sheegay in Shir weynaha oo ka furmi doona Garoowe ay ka qayb geli doonaan Wufuud Caalami ah oo ka imaanaya dalal ay ku jiraan Maraykanka iyo Shiinaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ujeedka Shirkaas loo qabanayo ay tahay in la keeno cid Aqoon iyo Dhaqaale ku maalgelisa Khayraadka dihin ee Puntland si uu Suuq u helo.