Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa shaacisay jadwalka dhammaystirka doorashada Golaha Deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, oo 25 bishii October, 2021 ay shacabka saddexda degmo kusoo doorteen doorasho qof iyo cod ah.
Halkaan hoose ka Akhriso waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
Ku: Dhammaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl
Ku: Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar
Og: Iskuduwayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee 3da Gobolka
Og: Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah – TPEC
Og: Madaxweynaha Dowladda Puntland
Ujeeddo: *Wargelin Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl*
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee 3da Degmo in ay u diyaar garoobaan waajibaadyada u dhimman ee dhaarta iyo doorashada Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen degmo kasta. Sidoo kale, waxaa Guddoomiyaasha Gobolada lagu wargelinayaa in ka qayb qaataan fududeynta fariisinta iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee 3da Degmo.
*Jadwalka*
*Ufeyn*
1. Diyaar garowga Xubnaha 04 – 05 April 2022
2. Dhaarta iyo doorashada *06 April 2022*
*Qardho*
1. Diyaar garowga Xubnaha 09- 10 April 2022
2. Dhaarta iyo doorashada *11 April 2022*
*Eyl*
1. Diyaar garowga Xubnaha 12 – 13 April 2022
2. Dhaarta iyo doorashada *14 April 2022*
Fiiro gaar ah: waxaa jiri doona Masuuliyiin Wasaaraddu u xilsaartay fududeynta dhismaha dhammaan Goleyaasha 3da Degmo.
DHAMMAAD.