Puntland oo ka hadashay xiisada ka taagan Gobolka Sanaag

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa salaadda ciidul Fidriga garoonka kubadda cagta Mira Awaare kula oogey shacabka Garoowe.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo khudbad u jeediyay boqolaal ruux oo salaada ka qeyb gashay  ayaa ka hadlay xaaladaha guud ee deegaanada Puntland xiisada ka taagan Gobolka sool ee Puntland kala dhaxeeysa Soomaaliland iyo qodobo kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka iyo shacabka gobolka Sanaag, gaar ahaan ciidanka ka biyo diidey duulaanka maamulka Soomaaliland, waxaana uu fariin adag u diray maamulkaasi.

“Waxaan u hambalyaynayaa ciidamada reer Sanaag ee guusha soo hooyey, hambalyo baan leeyahay ciid wanaagsan, waxaan Alle ka rajaynayaa in ciidamo kale oo la midana inay ku daydaan rajo badan baan ka qabnaa. Puntland cadaw badan bay leedahay mid gudaha ah iyo mid xuduudaha ahba, gudaha waa nimankaa nabaddiidka ah, waa ku jirnaa dagaalkooda, dabar-goyntooda inta yar ee haray waa in ay reer Puntland oo dhammi meel uga soo wadajeestaan” Ayuu yiri Madaxweyne Karaash