Puntland oo ka hadashay shaqaaqadii Garoonka Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah waxay uga hadlay celintii diyaaradda ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya, Xildhibaan Sacdiya Samatar ee garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xusay in aysan ka war hayn duulimaadka ayna ku ogaadeen askar ka tirsan PSF oo u timid madaarka soo dhaweynta diyaaradda.

“Nidaamka federaalka ayaa daadejinaya qaab xukunka waddanka. Anaga Puntland ahaan waxaan la shaqeynaynaa dowladda federaalka ayagana ha nala ilaaliyaan nidaamkan,” ayuu ku daray.

Dhankiisa, Cabdisamad Maxamed Gallan, wasiirka amniga Puntland, ayaa ku baaqay in aysan soo laaban talaabo noocaan oo kale isaga oo adkeeyay in maamulka diyaar u yahay la shaqeynta federaalka.

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen tirro kalana ay ku dhaawacmeen shaqaaqo ka dhalatay xaaladan, sida ay MOL u xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka caafimaadka ah.

Isku-dhaca ayaa, sida xoguhu tibaaxayaan, wuxuu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa booliska Puntland ee PMPF iyo askar daacad u ah agaasimihii xilka laga qaadey ee ciidanka PSF, Maxamuud Cusmaan Diyaano.

Dagaalka ayaa, sidda ay sheegeen mas’uuliyiin khadka telefoonka ugu waramay warsidaha MOL, wuxuu ka dambeeyay markii ay madaarka Boosaaso soo dagtey diyaarad gagaar ka keentay Muqdisho.

“Diyaaradaas ayaan wax ogolaanshiyo ah ka haysan dowladda Puntland,” ayay sheegeen saraakiisha la hadlay MOL kuwaasoo ka gaabsadey magacyadooda maadaama aan loo ogolayn la hadalka saxaafada.

Saraakiisha ammaanka ayaa intaas ku daray in diyaaradda loo ogolaadey in ay shidaal ka qaadato madaarka ka gadaal markii loo diidey in ay caga-dhigato garoonka sababo ku aadan amarka dowladda.

“Diyaaradda waxaa ka socotay Sacdiya Yaasiin Samatar, guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka ahna ku simaha madaxweynaha jamhuuriyadda,” ayay raaciyeen saraakiisha ammaanka ee la hadlay MOL.