Puntland oo ka digtay in la farageliyo Doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland.

Reading Time: < 1 minute

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya looga digay in ay faragelin ku sameyso Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Bisha August ee soo socota ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada Jubbaland, waxaana socda abaabul ay wadaan Musharixiinta Xildoonka ah.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Maamulka Puntland uu ka walaacsan yahay warkii xalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ee Quseeyay Habraaca Doorashada Jubbaland.

Isla warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland ay ka digeyso faragelin toos ah iyo mid dadban oo lagu sameeyo Doorashada Galmudug ee lagu wado in ay dhacdo Bishaan Luuliyo (July).

Maamulka Goboleedka Puntland ayaa soo jeediyay in loo hogaansanaado Dastuurka Dalka, lagana fogaado waxyaabaha kicin kara xiisad ama abuuri karo Khilaaf, sida lagu yiri warsaxaafadeedka.

WARSAXAAFADEEDKA KASOO BAXAY DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND AYAA SIDAAN U QORNAA: