Puntland oo go’aano cusub ka soo saartay Amniga Garoowe “Qori lalama dhexmari karo”

Reading Time: < 1 minute

Puntland ayaa ku dhawaaqday go’aamo cusub oo la xariira sugida Amniga caasimadda Puntland ee Garoowe, xilli lagu wado in maanta oo sabti ah ay ka dhacdo doorashada 5 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS.

Guddiga Amniga gobalka Nugaal, ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in qof aan aheyn Askari shaqo ku jira uusan qori ku dhex qaadan karin, sidoo kalena gaadiidka ciidammada aan lala dhexmari karin caasimadda Puntland.

Sidoo kale, Guddiga Amniga ayaa sheegay in magaalada Garoowe uu maanta ka bilaabanayo howlgallo weyn oo lagu adkeynayo Amniga, waxaana ay ugu baaqeen shacabka caasimadda inay la shaqeeyaan ciidammada Amniga, si looga hortago falalka Amni darro.