Puntland oo go’aan culus ka qaadatay shirka madaxda DF iyo D/dowlad goboleedyada

Reading Time: < 1 minute

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu si rasmi ah uga baaqsatay shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu wado in 5-ta bisha nasoo aadan ee July lagu qabto magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xukuumadda Puntland ay go’aansatay inay ka baaqato shirkaas, isla markaana saacadaha nasoo aadan ay Puntland soo saari doontp war-murtiyeed faahfaahsan oo ku aadan arrimaha ay tabashada ka qabto.

Xilligan ayaa xarunta baarlamanka Puntland ee magaalada Garowe waxaa ka socota dood adag oo ku saabsan arrimaha ay Puntland tabashada ka qabto ee ansixinta metelaadda Muqdisho ay ku yeelaneyso Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulankaan deg-dega ah ee maanta ka socda xarunta baarlamaanka Puntland waxaa looga hadlayaa warbixintii guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka, taas oo ay ku dalbadeen waqti kordhin.

Inkastoo uusan cadeyn go’aanka ay qaadan doonto Puntland, hadana waxyaabaha ugu badan ee doodda ay ka qabaan waa doorashada guud ee dalka iyo ansixinta xeerka metelaadda gobolka Banaadir ee golaha Aqalka Sare.