Puntland oo Gacanta Ku dhigtay Tukaraq Iyo  37-askari oo ku Geeryootay+Deegaanka oo dab la qabsiiyay!!!

Reading Time: < 1 minute

Dagaal xoogan uu dhaxeeya Maamulada Soomaaliland Iyo Puntland ayaa waxaa uu wali ka socdaa Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool,waxaana Dagaalkaasi ka dhashay qasaaro kala duwan oo soo kala gaaray Labada Dhinac ee Dirirtu Dhexmartay.

Wararkii Ugu Dambeeyay ayaa waxaa ay sheegayaan in Daryanka rasaastu ay hakatay taasi oo lagu tilmaamay in la isku soo Hub sifeeysanaayo,mar walba ayaana laga cabsi qabaa in Dagaalku dib u bilaawdo.

Ciidamada Kala taabacsan Maamuladda Soomaaliland Iyo Puntland ayaa waxaa soo kala gaaray Qasaara kala duwan, Maamulka Soomaaliland 24 Askari ayaa Dagaalkaasi uga Geeryootay inta la xaqiijiyay  Dhinaca kale Ciidamada Maamulka Puntland waxaa ka Geeryooday 13 askari.

Dhanka kale dhaawacyadda labada dhinac ayaa la xaqiijiyay in ay kala gaarayaan 51 askari. Oo ka dhaawacantay Maamulka Soomaaliland Iyo Puntland oo 32 askari laga dhaawacay.

dagaalka inta uu socday ayaa waxaa ay wararka aan helnay sheegayaaan in la iska qabsaday gawaari dagaal saad iyo askar,waxaana Ciidamada Maamulka Puntland Gacanta ku dhigeen sedax Gaari oo kuwa dagaal ah kuwaasi oo ay lahaayeen Ciidamadda Maamulka Soomaaliland.

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa dhankooda la wareegeen Laba Gaari oo Nuuca Cabdi Bilaha loo yaqaan ah kuwaasi oo ay lahaayeen Ciidamadda Maamulka Puntland Waxaana ay Gubeen 1-Gaari
Gaari laga gubay PUNTLAND.

Taliskii guud  Ee Ciidamadda Maamulka Soomaaliland Ee Deegaanka Tukaraq  ayaa waxaa Galabta Gubay Ciidamadda maamulka Puntland Kuwaasi oo Ugu Dambeeyn Gacanta Ku dhigay Deegaankaasi lagu dagalaamay.

Dagaalka labada dhinac wuxuu socdey in ka badan 12 saac oo xiriir ah sida ay Inoo xaqiijiyeen Dadka Deegaanka oo la hadlay MUQDISHO ONLINE,waxaana ay hada ka cabsi qabaan dagaalku in uu xoogeeysto islamarkaana mar kale ay Fooda isdaraaan.

Maamuladda Soomaaliland Iyo Puntland ayaa Dhowr jeer ku Dagaalamay Deegaanka Tukaraq  waxaana la saadaalin Karin cida ku Nagaan doonto Gacan kusii heeynta Deegaankaasi