Reading Time: < 1 minute

Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa sii xoogeysanaya, waxaana muuqata in Puntland ay digniin hordhigtay madaxda dowladda federaalka.

Cali Xasan Axmed (Sabareey) oo ah Wasiirka Wasaradda Warfaafinta ee Puntland ayaa ka dhawaajiyay in Dowlada ay bilahii ugu dambeysay sare u qaaday faragalinta dhanka maamulka oo ay ku heyso nidaamka ay ku shaqeeyaan, wuxuuna u sheegay iney horseedi karto dhibaato hor leh.

Wasiirka wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntland ay dhawr jeer isku dayday iney wada-hadal la gasho dowladda Federaalka si loo dhameeyo mugdiga ku dhex jira, balse ay dowladda ku fashilantay.

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
128 days
01 hours
38 minutes
15 seconds

“Dhibaato ayaa ku imaan karta dalka hadii aan la tixgelin dastuurka, madaxda dowladda waxaan usoo jeedinayaa iney maamulka Puntland ka dhaafaan faragalinta” ayuu yiri ali Sabareey.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli wareysi gaar ah oo ay TV-ga Universal ka qaadeen madaxweyne Farmaajo ku sheegay inuu dhawr jeer isku dayay inuu la fariisto Deni, balse madaxweynaha dhawaan la doortay uu ka caga-jiiday.