Xiisadda gobolka Sool ayaa sii xoojisay khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda Soomaaliya kadib markii dowladda Soomaaliya dhexdhexaad ka noqon weydey xaaladda magaalada Laascaanood.
Puntland ayaa sheegaysa in madaxda Soomaaliya iyo ururada ku sugan Muqdisho aysan weli xitaa ka hadlin xaaladda Laascaanood ee cakiran haseyeeshee ay la safatay Soomaaliland.
Arrinta kale ee khilaafka sii hurisay ayaa ah lacagtii dowladda Soomaaliya bankiga ugu shubtay madaxtooyada Soomaaliland iyadoona Puntland ay ku sheegtay midaan loo marin hanaankii loo baahnaa.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xirsi Tima-cadde iyo afhayeenka madaxtooyada Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa soo dhoweeyey lacagtii dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan haseyeeshee waxa ay tilmaameen inay habboonayd in loo marsiiyo culimada iyo hayaddaha Khayriga ah si aan loogaga faa’iidaysan arrimo siyaasadeed.
Afhayeenka madaxtooyada Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ilaa hadda dowladda Soomaaliya aysan ka hadlin dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee kunool gobolada Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood.
Quraan Jecel waxa uu sheegay in dowladda iyo shacabka Puntland ay go’aamadaasi dowladda Soomaaliya ka soo baxay u aragto calaamad muujinaysa inay DFS ku biirtay colaadda Puntland iyo Soomaaliland.
Puntland waxa ay sheegtay in lacagta halka million ah ee lagu wareejiyey Soomaaliland aan la marsiin culimo, odayaasha dhaqanka iyo hayaddaha khayriga laakiin loo dhiibey Muuse Biixi oo hub iyo ciidan ku iibsan doona.