Puntland oo dardargalinaysa doorashada qof-iyo-cod & Mucaaradkii oo gabalka ku dhacay

Reading Time: < 1 minute

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyay xilliga ay bilaabanayso diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo cod. Talabadaan ayaa imaanaysa iyada oo kooxaha ka soo horjeeda MW Saciid Deni  iyo hogaankiisa ay ka biyo diideen dardargalinta doorashada qof iyo cod.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore ayaa ka horyimid barnaamijkan doorashooyinka qof iyo cod oo sida ay sheegeen uu mudda kororsi ku dhex qarinayo Madaxweyne Siciid Deni.

Sidoo kale waxaa buuq xooggan ka taagan yahay soohdimaynta cusub ee loo sameeyay degmooyinka Puntland taas oo uu ku shaqayn doono guddiga KMG ah ee doorashooyinka.

Dhinaca kale ururrada siyaasadda Puntland ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah shir uga furmo Garoowe si ay go’aan midaysan uga qaataan arrimaha doorashooyinkan.

PUNTLAND POST