Puntland oo daah furtay wajigii labaad ee dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowlad Puntland  Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah daahfuray dhammaystirka wejiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Iyada oo qorshuhu ahaa in furitaanka Garoonka uu qayb ka noqdo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa dowlada Puntland go’aansatay in ayan ku martiqaadin dowlada Federaalka furitaanka garoonka. Dhanka kale waxa iyadana waxa lala yaabo ah in dowlada Imaaraadka oo maalgalinaysa garoonka ay raali ku ahayd in aan Dowlada Federaalka lagu parti qaadin xafladaas.

Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa lagu soo kordhiyay dhismayaal muhiim ah iyo shaqooyin kale oo u baahnaa, waxaana garoonka oo markii hore loo dhisay hab casri ah lagu kordhiyay dhisamayaal kale oo cusub.

Dhismayasaha garoonka lagu soo kordhiyay waxaa kamid ah:

1. Runway Extention 800M

2. Runway End Safety Area 300M

3. Runway Lighting

4. Keenidda Gaadiidka Dabdamiska

5. Hanger Cusub 70x60M

6. Road Two way 2KM, 7M

7. Parking 200/300M

8. New Apron Cargo and Taxi way 150×150m

9. Fence 4 km

10. Koronto 24/7

11. Bannaynta wajahadda Garoonka

12. Dhismaha Xarunta Hawada

13. Contingency Area

14. Tayaynta Cidanka Garoonka

15. Tayaynta Agoonta Shaqaalaha