Puntland Oo Ciidamo Dheeraad Ah Geysay Deegaano Dhaca Buuraleyda Galgala

Reading Time: < 1 minute

Deegaano dhaca Buuraha Galgala ee Gobolka Bari aya waxa Labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacayay qaraxyo lala eegto Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland xili ay Wadooyinka deegaankaas ku socdaalayaan.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Bari gaar ahaan Buuraleyda Galgala ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo farabadan oo wata Gaadiidka dagaalka lagu arkay deegaanada dhaca Buuraha Galgala.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa waxa ay horay u sheegeen in ay deegaanadaas ka sifeyn doonaan Al-Shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya oo mararka qaar weeraro ku soo qaada.

Shalay Gelinkii dambe ayaa qarax waxaa lagu dilay taliyaha ciidamada BIS-ta Puntland kadib markii lala eegtay Gaari uu saarnaa taasi oo keentay in Puntland ay halkaasi ciidamo geyso.