Puntland oo bilaawday tirokoobka ciidamadeeda

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Puntland ayaa bilaawday in ay tirokoobto ciidankeeda. Xeryaha Ciidammada ee ku yaala Garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf, Xerada Taangiyada iyo madaafiicda ee Magalada Gaalkacyo ayaa laga bilaabay Diwaan galinta iyo tirakoobka Ciidammada Daraawiishta ee qeybta 60aad ee Gobolka Mudug.

Sia ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, eryahan oo ay ka socdaan diiiwaan galinta Ciidammada waxaa booqaday Gudiga dib uhabaynta Ciidammadaoo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga Xasan Shire Cabdi oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Daraawishta Puntland S/gaas Yaasin Cumar dheere ,Taliyaha Ciidammada booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen,Taliye ku xigeenka Ciidammada Difaaca Puntland Gen Axmed Cali salad Faarax, Xildhibaan Fu’aad Abshir iyo saraakiil kale duwan oo tirasan Ciidammada Difaaca Puntland.

Wasiirk Maaliyadda dowlad Goboleedka Puntland Muddane xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay waxa yaabaha ay ku taamayso Wasaaradda Maaliyaddu. “Hadii aysan Dawladdu dhaqaale helin ma jireen Amni iyo kala dabyn, midna ogaada Wasaaradda Maaliyaddu waa a go’antahay in Ciidammada iyo shaqaalahu helaan xuquuqdooda laguna daro horumarka dalka”. Sidoo kale  Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa uu u mahd celiyay Bulshada teer Puntland ee Cashuurta ku waajibtay bixiya waxana uu sheegay bixinta Cashuuraha in ay qaybwayn ka tahay dowladnimada Puntland.