Waxaa Goordhow soo geba gaboowday khudbadihii Musharixiinta Madaxweynaha Puntland,waxaana khudbadaha jeediyay 21 Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Puntland.
Musharixiinta ayaa jeediyaya khudbado kala duwan,kuwaas oo doonaya inay kusoo jiitaan Golaha Wakiilada Puntland si ay codka u siiyaan waaana Xasaasi doorashadaan maadaama ay ku soo aaday xelli adag.
Musharax Dr Maxamed Siciid Gaadaale ayaa sheegay in Dowlad Goboleedyada,dowladda Federaalka Soomaaliya,Beesha Caalamka iyo dowladaha deriska ah ay Puntland si amaan ah kula noolaan doonto hadii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha.
Musharax Khaiif Ciise Mudan ayaa sheegay in hadii uu guuleysto uu marka hore uu xooga saari doono sidii Al-Shabaab uga sifeyn lahaa Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo,isla markaana Gacanta Puntland kusoo celin doono Dekadda Magaalada Boosaaso.
Madaxweyne Gaas oo hadda talada haya ayaa sheegay in Puntland u baahan tahay hogaamiye ka difaaci kara xisaabtanka hanaanka Federalka ah,sidoo kalena Puntland u baahneyn shaqsi aan ogeyn culeyska jira.
Sidoo kale musharixinta Khudbadaha jeediyay ayaa waxaa ka mid ah Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo iyagana sheegay iny wax badan u qaban doonaan dadka reer Puntland.
Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda Bilaaban doonta hadal jeedinta Musharixiinta Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay u taagan yihiin 11 musharax.