Reading Time: 2 minutes

Dowaladaha Puntland iyo Somaliland oo mamnuucay isku soo baxa iyo ku dukashda salaada ciida ee masaajidada. Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka  cadaaladda ee maamulka  Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in maamulka Puntland uu mamnuucay in saalada ciida lagu tukado masaajida ku yaala deegaanada Maamulkaasi, sababta la xiriira cudurka covid 19.

Wasiirka cadaalada ayaa waxaa uu sheegay in go’aan ay ugu goleeyihiin sidii uusan u faafi laheyn cudurka corona virus oo dhibaato badan ku haya shacabka ku nool deegaanada maamulka Puntland Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ciidka kadib dib loo furi doono dugsiyada Qur’aanka, islamarkaana in dugsiyada Qur’aanka looga baahan yahay in shuruudo dhawr ah, si looga hortago faafitaanka COVID19.

Dhanka kale Guddida heer qaran Covid19 ee Somaliland ka dib markii ay wada tashi la yeesheen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dhakhaatiir Khibrad durugsan u leh sida laysugu gudbiyo Xanuunka Covid19, waxa ay soo saareen Go’aamo.

Go’aamadan ay guddidu soo saartay waxaa lagu joojiyey  Gabi ahaanba Isu soo bixii maalmaha Ciidda  iyo  Tukada Salaadda Ciidul-fidriga  ee Masaajidada iyo Garoomada. Sidoo Kale Waxaa  lagu joojiyey Guud ahaanba Isu-socodka Gaadiiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay Ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

Waxaa la faray Mulkiilayaasha Garoomada iyo Goobaha Caruurtu Ku Ciyaarto inaan la furi karin  si looga bad baado Xanuunka Covid19. Waxaana  la faray  Dhammaan laamaha Ammaanka ee Dalka inay ku hawl galaan Ammaradan Guddida heer Qaran ee Covid19 JSL. Go’aamada ka soo Baxay Guddida heerka qaran ee Covid19 ayaa u dhignaa sidan: