Puntland iyo Hay’adda FAO oo bilaabay ololaha daaweynta xoolaha Puntland

Reading Time: < 1 minute
Waxaa guud ahaan deegaanka Puntland ka bilaawday ololaha talaalka iyo daaweynta Puntland iyo Hay’adda FAO kaas oo looga hortagayo cudurada ku dhaca xoolaha. Ololahan ayaa ku soo aadaya iyada oo ay Puntland  bilaawday in xoolo u dhoofiso wadamada carabta.
Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dawlada Puntland Mohamed Libaahe ayaa daahfuray Ololaha Daaweynta Xoolaha ee Gobolada iyo Degmooyinka Puntland. Waxaa munaasibadda daahfurka ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda FAO.
Ololahan wuxu socon doona muddo 28 maalmood ah waxaana la gaari doonaa dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.