Maleeshiyaad asal ahaan kasoo jeeda dhanka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in qof shacab ah oo kasoo Jeeda Puntland ay ka afduubteen Bariga gaalkacyo, kadib markii ay ka caroodeen xukun dhawaan Puntland ay ku riday Nin ganacsade ahaa oo asal ahaan kasoo jeeda deegaanada Galmudug.
Taliye Cilmi Gulaafe oo sii hadlayay ayaa Puntland ku eedeeyay iney sabab u tahay afduubka ka socda gobalkaasi, maama marar badan ay kala hadleen in lasii daayo dadka laga soo afduubtay Galmudug.
Maamulka Puntland ayaa dhawaan xukun ku riday C/risaaq Xuseen Tahliil oo Puntland ay ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay Mintidiinta Soomaaliya, inkastoo Cabdirisaaq uu ahaa nin ganacsade ah, balse caro ka dhalatay Xukunkaasi iyo nin kale oo lagu heysto deegaanada Puntland ayaa sababtay Afduunkan