Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay ahayd maamul mar waliba sheegata inay tahay hooyada Federaalka. Waa dhab oo waa mamulkii ugu horreeyey ee si Federaal ah loo asaaso, kadib waxaa ay dowladdii hore ee MW Xasan Sheekh dhisay afarta Maamul ee kale iyo Kan Somaliland oo ay u fidisay fududeyn loogu daneynayo dadka Somaliyed ee degan Maamulkaas uu hadda gacant aku hayo.
Si dalka uu Federaal dhab ah oo shaqeynayaa uu u noqdo waxaa khasab ah in hawlo badan la qabto kuwaas oo ay khasab tahay inay ka wada qeyb galaan dhammaan maamul goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka. Hawshaas waxaa ugu horreeya dhameystirka distuurka dalka.
Haddaba Maamulka Puntland waxay mar waliba abuuraan caqabado ka hor imanaya dhameystirka Federaaleynta, haddana waxay ku doodaan inay xuquuq kaga maqan tahay Dowladda Federaalka. Sidee ayey xuquuqdaas ku Imana kartaa haddaan la dhameystirin habraacyadii waajibaadka iyo xaqa u uku caddaa?
Maaha eed aan meel haysan waa dhab ka hadal u baahan in si waafi ah hoos loogu daadego, doodda arrintaan, iyadoo dowladda hadda jirtaa ee MW Xasan iyo RW Xamza looga baahn yabay inay si dhab ah u qabtaan hawsha dhameystirka Federaaleynta dalka, maamul goboleed walba miiska loo saaro waajibaadkiisa ku aadan Federaaleynta si uu isaguna helo xuquuqdiisa.
Haddaba waa maxay waxa ay Puntland sameyso oo caqabd ku ah dhameystirka Federaaleynta dalka?
Puntland waxay inta badan ka maqnaata ama caqabado hor dhigtaa Shirarka Federaalka looga arrinsanaayo, taas oo ka maqnaanteeda ama joogisteeda caqabad yihiin. Tusaale;
1. Dekadaha iyo garoomada Puntland ku yaalla canshuuraha laga qaado iyo dklhliga guud ee maamulka Puntland soo gala sooma gudbiso, si waxa ka dhiman loogu kabo. Hasa yeeshee waxay joogto ugu dooddaa Lacag ayaa nooga maqan Federaalka. Mana ogola in Federaalka la saxo si ay u hesho waxa ka maqan.
2. Qodobka kale ee ay lugta jiideyso waa Distuurka dhameystirkiisa oo ay aad u diidaan iyagoo mar waliba marmarsiiyo la imanaya, mararka qaarna ku goodisa go’id iwm. Somaliya maaha dal go’id iyo gooddi xaaladeeda wax looga badali karo waxaa wax looga badali karaa in laga w ada shaqeeyo danta guud ee dalka si danta gaar ah loo gaaro.
3. Waxay aad uga adkeysataa Puntland inay toos ula macaamisho hay’adaha caalamiga ah, taas oo ah xaq ay dowlaadda Federaalka leedahay, waxayna uga jeeddaa fadqalallo abuur, waayo dalku wuxuu leeyahay hal madaxdweyne iyo hal r/Wasaare, mana jirto sabab ay Addis iyo Dubai ugu ordaan hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada.
Haddaba marka la isku doo xooriyo Puntland waa inay fahamtaa meesha ay ka leedahay dalka ee aysan mar waliba dalkaan lugooyo ku noqon.
Arrimahan waa inay dalka ka fulaan oo ay dowlad goboleedyada iyo Dowaldda Federaalka ka wada shaqeeyaan.
1- Dhameystirka Distuurka
2- Dhameystirka Federaalka.
3- Dhameystirka dhammaan xeerarka dalka si dalka uu u noqdo dal ay kala cad yihiin howlahiisa dowladnimo ee Federaal iyo kuwa dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.
Dhammaan maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka waa masuuliyad wada jira ah oo la rabo inuu barlamanka kula xisaabtamo ciddii doorkeeda ka soo bixiweydo.
Ugu dambeyn Puntland inay ku faanto inay tahay “Hooyadii Federaalka” tahay Haddana Lugooyso Federaleynta iskuma heli karto. Siyaasiyiinta, aqoonyahanka, cuqaasha iyo hogaaminayaasha Bulshada Puntland ha qaataano doorkooda wax qabad ee dhameystirka Federaaleynta si dalku u istaago.