Puntand & Jubbaland oo ka caga-jiidaya in ay soo gudbiyaan Gudiga Doorashooyinka

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynayaasha Dowlad  Gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa wali soo magacaabin guddiyada min sideedda xubnood ah, ee heer dowlad gobaleed, kuwaas oo qeyb ka ah guddiyada doorashooyinka Qaranka iyo kuwa heer dowlad gobaleed.

Labada mas’uul ee Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni, ayaan marnaba ogolaan doonin in ay gudiyadooda ku darsadaan gudiyda uu soo magacaawdeen Farmaajo iyo Fahad Yasin. 

Dhanka kale Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin ku dhow-dhow maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay diidan yihiin, sida ay hadda u socodaan hawlaha u diyaar garowga doorashada guud ee Soomaaliya, gaar ahaan qaabka loo maray dhismaha guddiyada Farsamada iyo Xallinta Khilaafaadka ee doorashooyinka Soomaaliya.

Madasha Xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir, siyaasiin iyo musharaxiin badan oo u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa hore u diiday guddiyada doorashooyinka Qaranka iyo kuwa heer dowlad goableed, waxeyna sheegeen in ay ku jiraan Shaqaale Dowladeed, Saraakiil ka tirsan NISA, xubno ka tirsan xafiiysada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyo qaar kamid ah taageerayaashii Madaxweyne Farmaajo ee baraha bulshada.