Puntaland Oo Dib Ula Wareegtay Deeganka Af-urur

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maanta oo Jimco ah dib ula wareegay gacan ku haynta degaanka Af urur ee Gobolka Bari, kadib markii ay halkaasi ka baxeen Mintidiinta Al Shabaab oo wax ku dhaw 20 cisho ku sugnaa Af urur.

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo aad u hubeysnaa, watayna gaadiidka dagaalka, ayaa laba jiho kaga dhaqaaqay degaanka Af urur, waxayna degaanka la wareegeen iyaga oo aan la kulmin wax iska cabin ah.

General Cabdi Axmed Xaashi oo ah Taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland ayaa sheegay ciidanka inay ka kala baxeen Boosaaso iyo Carmo, islamarkaana ay si nabadgelyo ah kula wareegeen degaanka.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland oo la hadlay VOA-da ayaa yiri “Saakay waaberigii ayaanu ku guureynay Af-Urur oo horey qaab Millatari aan uga soo baxnay, cadowna ay yimaadeen, way carareen cadowgii markii ay ogaadeen inaan ku soo food leenahay, wax iska caabin ah oo naga hor yimid ma aanay jirin, lug ayaanu ku galnay magaalada”.

Saraakiisha Puntland oo wax laga weydiiyay sababta ka dambeysay markii hore inay baneeyaan degaanka ayaa waxa ay ku sheegeen inay aheyd qalad ka yimid dhanka ciidamada, balse hada ay dib u saxeen.

Dagaalyahanadii Shabaabka ee qabsaday Af urur, ayaa waxaa la sheegay in ay dib ugu laabteen Buuraleyda Galgala, oo markii horeba ay ka yimaadeen.