Pakistaan oo Madaxweynaha Hindiya u diiday inuu hawadeeda isticmaalo.

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Pakistaan ayaa sheegtay in ay diiday codsi uga yimid Madaxweynaha Dalka Hindiya Ram Nath Kovind kaasi oo ku saabsanaa in hawadeeda uu ku duulo waxayna u sababeeysay dhaqankii ay dhawaan sameeysay Xukuumadda Dalhi.

Go’aan ayaa yimid xilli ay sii adkaaneeyso xiisadda u dhexeeysa Dowladaha Deriska ah ee ku muransan Kashmiir.

“Madaxweynaha Hindiya waxaa uu na weydiistay in uu isticmaalo hawadda Pakistaan si uu ugu safro Iceland laakiin waxaan go’aansanay in aanan u ogolaan” ayuu Wasiirka aarrimaha Dibadda Pakistaan Shah Mehmood Qureshi ku sheegay war uu soo saaaray.

“Go’aanka waxaa loo gaaray sidii ay u dhaqantay India” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Majiro war kasoo baxay Dowladda Hindiya oo ku saabsan diidmadda Pakistaan.

Dowaldda Hindiya ayaa bishii lasoo dhaafay laashay mudnaantii gaarka ahayd ee uu lahaa Gobolka Kasmiir qaybta ay maamusho , talaabadaas oo ay Pakistaan ka carootay.