Orodyahanka Asal Ahan Soomaaliga Ah Ee Mo Farah oo So Bandhigay Tacadiyo Boliska Jarmalka Ay Ugeesten

Reading Time: < 1 minute

Mo Farah ayaa sheegay in uu yahay dhibbane ay soo gaareen dhibaatooyin xagga isir naceybka ah,kadib markii ay waxyeello fudud uu u geystay nin ka tirsan ciidamada ammaanka ee garoonka diyaaradaha Munich ee dalka Jarmalka.

Mo Farah oo afar xilli ku guuleystay billadda dahabka ee ciyaaraha orodka Olimbikada ,isla markaana heysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa warku intaa ku daray in uu duubay ama iska qabtay sawir filim ah xilli nin caddaan ah uu tuurayo ama dhabarka ka riixayo,isagoo ku sugnaa qeybta sugitaanka diyaaradaha ee safarka ku maraya garoonkaasi.

Farah ayaa la kulmay shilkaasi ay geysteen ciidamada ammaanka garoonka,kadib kolkii uu ka soo laabtay dalka Itoobiya oo uu u tagay safar shaqo oo la xiriiray tababar uu ku soo qaatay

Sir Mo Farah ayaa sheegay in askarigaasi uu yahay nacas, tallaabadaasi uu qaadayna ay tahay mid fulaynimo ah.

Baraha bulshada ayaa lagu arkay filim socday 47-ilbiriqsi oo muujinaaya Mo Farah oo askari nabad ilaalin ah uu ka riixayo dhabarka,isla markaana uu u kaxeynayo albaabka lagu sugo diyaaradaha.