Ololaha maamul u sameeynta Gobolka Banaadir oo si xoowliya ku socada

Reading Time: 2 minutes

Waxaa si xoowli ah uga socday magaalada Muqadisho iyo guud ahaan qurbaha olole lagu doonayo in loogu dhiso Gobolka Banaadir maamul ka madaxbanaan dowlada Fedaralka.

Ololahaan oo ku bilaawday si xoose ayaa maalmihii u danbeeysay waxa uu qaatay waji cusub iyada oo waxgarad  badan oo ka tirsan reer Muqadisho ay taageereen. Waxaa jira ganacsato iyo oday dhaqameedyo si buuxda u taageerayo qorshahaas lakiin aan baanaan isa soo dhigin, laakiin dahqaale u qorsheeyay mashruucaan.

Dadka hogaaminaya wajiga hore ee ololahaan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya  isaga oo sheegay inay ka shaqeynayaan qorshaha uu gobolka Banaadir ku yeelanayo Maamul u gaar ah, kaasoo ay uga baxayaan dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira caasimadda.

Waxaa sidoo kale barnaamijkaan taageersan xildhibaano ka  soo jeedo deegaano ka baxsan Gobolka Banaadir kuwaas oo sheegay in sida kaliya ee magaalada Muqadosho amnigeeda lagu sugi karaa ay tahay iyada oo hesho maamul ka madax banaan Dowlada Farmaajo.

Xildhibaaanadan ayaa sheegay in dadka Muqdisho ay yihiin kuwa dhiban oo dowladda hadda jirta ay waddooyinka ka xiratay, ayna weli magalada qaraxyadii ka dhacayaan oo ay ku dhimanayaan kuna dhaawacmayaan mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

Xildhibaan COsoble ayaa yiri “Dad isugu jira Qurbo-joog iyo reer Muqdisho ayaa diyaar-garow ugu jira in loo sameeyo gobolka Banaadir maamul gaar ah, dadkeenii way dhiban yihiin… waxaan rabnaa inaan u sheegno Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo in dhagax waddada lagu xiro aan dalka lagu maamuli karin,”.

Sidoo kale, Wuxuuu mar kale sheegay inay soo gunaanadeen wada-tashadii ay maalmahaan wadeen, isla markaana ay magacaabayaan guddi ka shaqeeyaa soo diyaarinta dastuurkii uu ku shaqeyn lahaa maamulka cusub ee gobolka Banaadir.

Guddooomiyaha geeriyooday ee gobolka Banaadir oo fulinaya awaamiirta Farmaajo iyo Kheyre ayaa horay uga hor-yimid talo arrintaan ku saabsan oo ay soo jeediyeen waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqadishu.

Markii ugu horeeysay waxa mashruucaan taageeray madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo soo dhaweeyay taabagalinta Barnaamijkaan.