Labadii asbuuc ee u danbeeysay waxa ay dowlada Kenya ku jirtay olole qorsheysan kaas oo ay dooneyso in ay taageero ugu hesho khilaafka soohdinta Badda ee kala dhaxeeyso dalka Soomaaliya.
Dowlada Kenya ayaa waxa ay qaadaty lix (6) Istaraatijioyo oo iskaabaya kuwaas oo ay rumeysan tahay in ay gaarsiin doonto in ay guul ka gaarto dacwada badda ee kala dhaxeeyso Soomaaliya.
- Dowladda Kenya ayaa waxa ay howgalisay qubaro qareeno ah kuwaas oo horay ugu shaqeeyn jiray dalka Kenya laakiin waxaa hadda lagu soo kordhiyay qareeno cusub oo uu ku jiro qareenkii hogaaminayay dacwadii Maxkamadda Caalamiga ah ee ka dhanka ahayd Madaxweynaha dalka Kenya. Steven Kaywaa qareen aad looga baqo guulo badana u soo hooyay Kenya iyo MW Uhuru Kenyatta. Qareenadaan cusub ayaa horayba ka bilaabay howlgalo la xiriira sidii Kenya guul uga gaari lahayd dacwada Badda
- Dowlada Kenya waxa ay xaqiijineysaa in muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya lagu soo wareejiyo Urur Goboleedka IGAD. Tilaabadaan ayaa suuragal ka dhigeysa in IGAD hogaanka u qabato dacwada Soomaaliya iyo Kenya. IGAD waxa hadda hagaamiya shaqsi Kenyan oo saaxib dhaw la ah MW Uhuru Kenyatta. Durbadiiba IGAD waxa ay balaarisay shaqadeedii IGAD. Waxaa la balaariyay howshii uu u xilsaarnaa wakiilka gaarka ah IGAD u qaabilsan Soomaaliya oo ah nin Kenyan, waxaa shaqadiisi lagu daray Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed taas oo keenaysa in qayb ka mida shaqadiisu noqoto xal u helida muranka badda ee u dhaxeeya labada dal.
- Shacabka Kenya oo lagu bilaabay wacyigalin buuxda iyada oo loo diyaariyay in ay taageeraan go’aan kastaa oo ay dowlada Kenya qaadato. Waxaa shaqadaan wado qubaro Ingriis iyo Mareykan isugu jira kuwaas oo ku taqasusay abaabulka iyo kicinta shacabka. Sidoo kale waxa hoowshaan dhanka Madaxweynaha Kenya kala shaqeeynayo Raphael Tuju oo ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arimada Dibadda. Qubaradaan ayaa ka shaqeeyndoono sidii ra’yi caalamka iyo kan gobolka wax looga badali lahaa isla markaana kor loogu qaadi lahaa dareenka wanaagsan ee laga qabo dowlada Kenya.
- Madaxweyne Uhuru Kenya oo waqti badan galin doono sidii uu uga guuleysan lahaa in madaxda gobolka ay kala saftaan dowladda Kenya. Waxa uu horay u tagay, Itoobiya, Eritereeya Uganda. Dhawaana waxaa la filayaa in uu safar ku tago wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.
- In la go’doomiyo Farmaajo iyada oo la isticmaalayo culaysAmni taas oo ciidanka Kenya ay kaga bixi doonaan degaano iyaga hoos yimaado;, in taageero buuxda la siiyo dowlad Goboleedka Jubbaland iyo in la soo afjaro xiriirka aan salka lahayn ee uu Farmaajo la sameeystay madaxda Itoobiya iyo Eritareeya. Shaqadaas qaybtii ugu horeeysay asbuucaan ayuu qabtay
- In la taageero RW Xassan Cali Kheyremadaama uu isagu balan qaaday in arinta badda lagu xalin doono si wadahadal ah oo laga soo wareejin doono maxkamada caalamiga. Dowladda Kenya ayaa balan qaad u sameeysay Xassan Kheyrein ay taageeri doonto musharaxnimadiisa sanadka 2021. Tijaabadii u horeeysay oo ay qaado dowlada Kenya waxa ay ahayd in qoraalkii tacsida ahayd ee ay dowlada Kenya u soo dirtay Soomaaliya asbuucaan ka dib qarixii Muqadishu lagu soo hagaajiyay RW Kheyre, qoraalkaan ayaa waday fartiin maldahan oo ku socotay MW Farmaajo.
Dowlada Kenya waxa ay sameeysatay Istraatijo cad oo ay doonayso in ay dib ula wareegto Badda Soomaaliya. Dhanka Soomaaliya ma jirto qorshe ama Istaraatijo looga hortago ololaha qorsheeysan oo ay wado dowlada Kenya. Dowlada Soomaaliya wali kama soo jawaabin qoraalkii dowladda Kenya horay ugu soo dirtay; ma jiro qubaro loo xilsaaray oo arintaan dabagasha. Ma jirto cid u sharaxday shacabka Soomaaliyeed meesha ay mareyso dacwada badda ee Kenya.
Dhanka kale qareenadii Soomaaliya ee shaqada soo waday mudo dhowr sano ah waxa ay dowlada Soomaaliya ku leeyihiin lacago aan wali la siinin taas oo keentay in ay teleefanada ka dansadaan Dowlada Soomaaliya. Lacagihii ay horay u qaateen waxaa dowladda Soomaliya ugu deeqday dowlada Imaaraadka Carabta. Mar hadii Imaaradka iyo Soomaaliya uu dhex yaalo dagaal siyaasadeed lacagtoodii waa ay joojiyeen.
Farmaajo oo albaabada laga soo xirtay dhankastaa iyo RW oo khayaanayo oo la saftay cadowga Soomaaliya, ayaa bisha Maarso 13 keeda waxa uu kulan kula leeyahay Magaalada Kampala Madaxweyneha Dalka Kenya, kulankaan aya waxaa soo qaban qabiyay Madaxweyne Museveni si labada dhinac la isugu soo dhaweeyo oo dacwada badda lagu xaliyo wadahadal taas oo xaqiijinaysa guusha dalka Kenya.
Waxaa nasiib xumo ah in Ra’iisal Wasaarihii dalka Xassan Cali Kheyreuu iibsaday sharaftii dalka iyo dadka isaga oo ka door biday in uu xajisti 12-ka Ceel Shidaal ee sida sharci daradda ah loo siiyay shirkada SOMA OIL. Ceelashaas ayaa ku yeelo dhul badeedka la isku haysto. Sidoo kale waxa uu doorbiday in uu aqbalo balan qaadka MW Uhuru Kenyattaoo ah Xassan Kheyre laga dhigi doono Madaxweynaha dalka Soomaaliya.
Dhanka kale ma jiro gole sharci dajin oo la xisaabtameysa Xukuumada iyo dowlada Farmaajo taasna waxa ay keentay in go’aano khatar ku ah jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed loo daayo Farmaajo iyo Kheyre. Golihi Wasiiradda ee mas’uuliyadooda ahayd in ay maamulaan Kheyraadka dalka waxa ay ku soo uruureen biira qatayaal aan warba u haynin mas’uuliyii loo igamaday.
Mucaaradkii rajada laga qabeyna waxa ay waqtigoodii intiisa badan ku lumiyeen dhismo xisbiyo been abuur ah oo lacag lagu raadsanayo.
Su’aashu waxa ay tahay maxaa la gudbooon shacabka Soomaaliyeed? Soomaaliya talo iyo hogaan ayaa ay u baahan tahay?