Ololaha /abaabulka M.A Oomaar iyo heshiiska Axmed Madoobe sidee la isku waafajinayaa? (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa magaalada Gaarisa ee dalka Kenya shalay booqosho la xiriirta siyaasada Jubbaland ku tagay  Wasiirka Duulista Hawada ee dowlada Fedaraalka Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar). Wasiirka ayaa ka soo jeeda beesha Cawlyahan ee degan deeganada Jubbaland iyo Gaarisa.

Safarka Wasiirka oo ay  maalgalisay Dowlada Fedaraalka ayaa la doonayay in si heer sare ah loo soo dhaweeyo  magaalada Gaarisa. Soo dhawaynta Wasiirka ayaa waxa ka qayb-qaatay odoyaasha iyo dhalinyaradda Beesha Cawlyahan. Wasiirka ayaa in waxa uu ka mid ahaa dadka sida gaarka uu Madaxweyne Farmaajo u maalgaliyay si ay ugu ololeeyaan ceyrinta Madaxweyne Axmad Madoobe. Waxaa sidoo lacag fara badan la siyaa siyaasiga Farax Macalin oo isagana ka soo jeeda beesha Cawlyahan.

Sida MOL horay idinkuugu soo gudbisay waxaa asbuucii la soo dhaafay dabayaqadiisii lagu qabtay magaalada Nairobi shir dib u heshiisiinayd oo u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Jubbaland. Dowlada Fedaraalka ayaa waxaa shirkaas wakiil uga ahaa Fahad Yasin. Iyada oo shirkaas qodobo dib u heshiineed ka soo baxeen ayaa hadana waxaa la yaab ah in Madaxweyne Farmaajo uu u diro Wasiirkiisii magaalada Gaarisa si loo dar-dar galiyo ololaha ka dhanka ah Axmad Madoobe.

Maxamed Cabdullahi ayaa lagu wadaa in uu isku sharaxo doorashada Madaxweynaha  la filaayo in bisha Sebtembar ay ka dhacdo degaanka Jubbaland. Wasiirka  ayaa Farmaajo rabaa in uu kula dagaalo Madaxweyne Axmad Madoobe.

Dhanka kale, shir albaabada u xiran yihiin oo uu Wasiir Maxamed la yeeshay odoyaasha beesha Cawlyahan ayuu ku sheegay in uu u taagan doorashada Jubbaland. Qaar ka mid odoyaasha Beesha Cawlyahan ayaa uga digay Maxamed Cabdullahi in uu isku soo sharxo doorashada Jubbaland isaga oo wakiil ka ah Farmaajo.

Odoyaasha ayaa u cadeeyay Maxmed Cabdullahi in ay taageero buuxda u hayaan Axmadoobe kuna kalsoon yihiin hogaankiisa. Oday ka mida odoyaasha ayaa yiri “..dhulkii beesha Cawlyahan waa la xureeyay, cadkii aan ku lahayn Jubbaland waa nala siiyay,  ixtiraam iyo sharaf ayaan ku haysaa Jubbaland, waxaad soo sheegtaa sababta aan ula dagaalno walaalkeen Axmad Madoobe”. Waxa uu ku daray “waxaa muuqato in beel gaar ah oo anaan doonaynin in aan magaceeda halkaan ka sheego in ay ku soo maalgalisay si aad beesha Ogaadeen dhexdeeda dhiilo colaadeed uga dhex abuurto”

Odoyaasha Cawlyahan ayaa kula taliyay Wasiirka in uusan arintaan  damaciisa doorashada uusan ku soo  hadal qaadin marka uu  a kulmayo  Jaaliyada Cawlyahan hadii kale ceeb ayaa ka raaci doonto sababtoo ah beesha Cawlyahan waxa ay isku waafaqday in ay taageerto Axmad Madoobe.

Su’aasha u baahan in loo is weeydiiyo ayaa ah maxaa keenay in MW Farmaajo u diro Wasiirkiisa Gaarisa isaga oo og in heshiis laga gaaray khilaafka kala dhaxeeyay Jubbaland?

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!