[OGOW] Tirada Xildhibaanada lagu Doortay Puntland.

Reading Time: 3 minutes

22ka Janaayo 2022, Garoowe-Puntland waxaa lagu doortay 5 kursi oo Golaha Shacabka ah kuwaas oo kala ah: HOP#196: oo ku fadhiyay Axmed Maxamed Axmed (Dubeys), waxaa ku tartamay Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) 90 cod, Abshir Cabdi Xuseen 6 cod waxaana xumaaday 2 cod.

HOP#249: oo uu ku fadhiyay Sharma’arke Saleebaan Buraale, waxaa ku tartamay Cabdullaahi Xasan Rooble oo ku guuleystay kursigaan iyo musharaxa uu ka guuleystay oo ah Cabdirisaaq Maxamed Ciise.

HOP#235: waxaa ku guuleystay isla Xildhibaankii ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad ee JFS Cabdiraxmaan Bidhaan Warsame oo helay 99 cod, waxaa la tartamay Cabdixakiin Jaamac Xasan oo helay 2 cod.

Isla maalintaas waxaa Garoowe lagu doortay HOP#200: Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa ku fadhiyay kursigaan kuna tartamay waxaana uu helay 93 cod, waxaa ku tartamay Cabdiwaaxid Abshir Ibraahim (5 cod), waxaana halaabay hal cod, ergada codeysay waa 99 ruux.

Kursiga 5aad ee Garoowe lagu doortay 22kii Janaayo 2022 ayaa ah HOP#166: Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa ku fadhiyay balse kama qaybgelin doorashada sabab uu ku sheegay arrimo u gaar ah, waxaa ku loolamay Axmed Cabdi Xaashi (Axmed Taajir) oo helay 98 cod iyo Axmed Cabdisalaam Ibraahim oo helay 2 Cod.

27 Janaayo Garoowe waxa lagu qabtay Kuraastaan: HOP#128 oo ku fadhiyay  Baarlamaankii 10aad Xil. Maxamed Cabdikaafi Maxamed, waxaa  ku tartamayeen labo musharax oo kala ah Maxamed Cabdiraxmaan Xayle oo helay 98 Cod halka Musharaxii la tartamayay oo ahaa  Maxamed faarax uu helay 3 co.

Waxaa ku xigtay doorashada kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#223 kaas uu ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Xil Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri), waxaana ku tartamay labo musharax oo kala ah Xirsi Jaamac Gaani oo helay 93Cod halka Musharaxii la tartamayay oo ahaa Saciid Maxamed Warsame uu helay 3 cod waxaa halaabay 2 cod sida ay ku dhawaaqeyn Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed SEIT Puntland.

Waxaa ku xigtay doorashada kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#232 oo ay ku tartamayay Fardowsa Ismaaciil Cigaas oo heshay 97 halka Saciido Faarax Warsame ay heshay 3 cod, Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Xil Cabdirashiid Daahir Gaboobe

Waxaa xigtay Doorashada kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#144 oo ay ku tartameyn labo musharax oo kala ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo helay 83 cod iyo Caasho Axmed oo heshay 13 cod, waxaana halaabay 4 cod sidaas waxaa ku soo baxay Cabdiqafaar, sida ay ku dhawaaqeyn Guddiga Doorashooyinka Heer DG SEIT Puntland. Kursigaan waxaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad Xil. Faysal Cabdulle Guuleed

2 Febraayo 2022 waxaa Magaalada Garoowe waxaa ka dhacday Doorashada 6 kursi oo Golaha Shacabka ah,  kursigii ugu horreeyay oo tirsigiisu yahay HOP#192: kuna fadhisay Sacdiya Maxamed Xasan waxaa ku guuleystay Maxamed Faarax Nuux.

Sida uu sheegay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Dowlad-GOboleed SEIT Puntland,  Maxamed waxa uu helay oo helay 91, Ruweyda Maxamuud Maxamed waxa ay heshay 1 cod, waxaana xumaado labo cod.

HOP#094: DG Puntland waxaa Baarlamaanka 10aad ku metalay Axmed Ismaaciil Shabeel, waxaa ku tartamay Sahra Cabdullaahi Cigaal oo heshay 87 cod, halka Fardowsa Maxamed Aadan ay heshay 3 cod, waxaana xumaaday 7 cod.

HOP#121: Waxaa ku fadhisay Canab Xasan Cilmi, waxaa ku guuleysatay Farxiya Yuusuf Cumar oo codeyn gacan-taag ah ku heshay 101 Ergo oo ah dhammaan xubnihii codeeyay maadaama ay tanaasushay Nimca Cabdi.

HOP#014: Sacdiya Careys Ciise ayaa ku fadhisay, waxaa ku tartamay Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar oo helay 90 cod & Cabdirisaaq Axmed Xuseen oo helay 3 cod waxaana xumaaday 7 cod sida uu sheegay SEIT Puntland.

Cabdiqani Maxamuud Maxamed ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#075 ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo ahaa Axmed Cabdiraxmaan Cilmi, waxaana haa ugu codeesay 98 ruux, waxaana ka aamustay 2 halka ay uu diiday 1 qof, wadarta Ergada ayaa dhaneed 101, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer DG SEIT Puntland. Waxaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad xil Ikraan Yuusuf Xirsi

Khadra Axmed Maxamed ayaa ku soo baxday kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#174 ka dib markii ay nataasushay Leyla Cabdi Faarax, Eragada oo dhaneed 101 ayaa ogal ugu codeeyay Khadra, sida uu sheegay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer DG SEIT Puntlanad. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Burhaan Aadan Cumar

  • kuraasta la doortay: 15kursi
  • kuraasta dhiman: 22 kursi
  • Xildhibaanada Cusub: 13 Xildhibaan
  • Xildhibaanada soo laabtay: 2 Xildhibaan
  • Wadarta Xildhibaanada Puntland:37 Xildhibaan