Ogow Cida Ka Danbeysay Xariga Boqor Buurmadow Marka Laga Tago Ciidanka Somaaliland

Reading Time: 2 minutes

Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Buurmadow oo kamid ah madax dhaqameedka waawayn ee somaliland,kaas oo lagu edeeyay in Caleemo Saar uu kaga qayb galay deegaanada bariga kagana hadlay erayo lidi ku ah amaanka iyo madax banaanida maamulka Somaliland.

Faysal xiis Cilmi Afhayeenka Ciidanka  Somaliland ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay jiritaanka in xabsiga loo taxaabay Boqor Cismaan Buurmadow, kaasi oo hadal aan wanagsaneyn ka sheegay xaflad ka dhacday deegaanada bariga, arintaasina ay tahay sababta xabsiga ay u dhigeen ciidamada amaanka Soomaliland.

Afhayeenka Ciidanka  Somaliland Faysal xiis Cilmi oo sii hadlayay ayaa sheegay in dhawaan maxkamad lasoo taagi doono Boqor Cismaan Buurmadow oo la marsiin doono waxa uu qabo sharciga Soomaaliland.

Caaqil C/rashiid Jaambiir oo kamid ah Madax dhaqameedka Somaliland

C/rashiid Jaambiir oo kamid ah Madax dhaqameedka Somaliland oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku baaqay in Sharciga hor geeyo Boqor Cismaan Buur-madow.Wuxuu sheegay in Sharcigii Qabtay Naciima Qorane oo lagu Xukumay Saddex Sano, Lagu Qaado Boqor Buur-madow, Hadii ay taasi dhici waydana ay la mid tahay inaanu Sharcigu Qaban isaga, ee uu qabto inanta lagu magacaabo  Naciima Qorane.

“Boqor Buur-madow waa in sharciga la Mariyo, oo Sida Naciima Qorane 3 Sano lagu Xukumo, ama Isaga Sharcigu ma qabto ayay noqon doontaa ” ayuu yiri caaqilka ka hor xeriga Boqor Buurmadoow.

Xeriga Boqorka ayaa kusoo beegmaya baaqii Caaqil C/rashiid Jaambiir oo xukuumada Muuse biixi kaga codsaday in xabsiga loo taxaabo Boqor Buurmadow oo kamid ah madax dhaqameedka Soomaaliland.

15 Maarso 2012 sidan oo kale ciidaanka Booliska Somaliland ayaa ka qabtay garoonka dayuuradaha ee magaalada Hargeysa boqor Buurmadow, kaasi oo Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Arimaha gudaha ahaana  ku simaha wasiirkii Cismaan Garaad Soofe ku eedeeyay Boqorka inuu dibedda ka waday falal iyo dacaayado khalkhal gelinaya nabadgelyada kana soo horjeeda Qaranimada Somaliland.