Waxaa dhibaato xoogan ay ka taagantahay isticmaalka wadaada Isgoyska Ceel Gaabta ee Magaalada Muqdisho, dhibaatadaan ayaa isugu jirto mid nadaafad darro iyo bur bur xoogan oo bartamaha isgoyska soo gaaray.
Biyaha lagu soo daadiyo ayaa waxa ay sababeen in bartamaha isgoyska uu boholo yeesho oo ay biyaha fadhiistaan, waxa ayna boholhaasi saameyn xoogan ku yeesheen gaadiidka kala duwan ee wadadaasi isticmaala.
Waxaa kaloo xusid mudan in wadada isku xirta Madaxtooyada Soomaaliya iyo dekadda Muqdisho ee martana isgoyska Ceel Gaabta xariga laga jaray oo dhismaheeda lasoo gabagabeeyay 9’kii June ee sanadkaan sii dhamaanaya.
Wadadaan ayaa waxaa adeegsada masuuliyiinta ugu sareysa dalka, wax laga qabtayna ma lahan oo in mudo ah ayey shacabka marinka ay u tahay ku dhib qabaan.
Marka laga soo tago in wadadaani ay shacabka ku dhib qabaan waxa kale oo xusid mudan in amni darro ay ka dhalan karto, maadama ay sahlantahay si fudud waxyaabaha qarxa loogu aaso maadama ay burbursantahay oo ay boholo leedahay.