Odoyaasha dhaqanka oo sheegay in ay la dhaqmayaan AL Shabaab!

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Al Shabaab oo dhawaan isugu yeertay odoyaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada Dowlada Fedaraalka si ay u qaataan tababaro lagu sheegay dhaqan celis iyo tooba-keen ayaa sheegay in ay ku qasban yihiin in ay la dhaqmaan kooxda Al Shabaab.

Oday ka mida odoyaashaas oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa u sheegay MOL in ay ku qasban yihiin in ay la dhaqmaan Al Shabaab. Odayga oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa yiri “..aniga beer ayaa iigu taalo deegaan ka mida Gobolka Bay, waxan rabaa in ay beertayda tago, xaaskeyga iyo caruurteyda soo booqdo, hadii aan u hogaansami waayo amarka Ak Shabaab noloshayda khatar ayaa ay ku jirtaa”.

Oday waxa uu intaas ku daray “..hada aan kula joogo magalaada Baydhabo waxaa joogo wasiiro iyo madax ka tirsan dowlada Goboleedka  Koonfur Galbeed oo AL Shabaab lacag siiyo, sababta waxaa waaye ma jirto dowlad ama ciidan ku difaaci karo.. Baydhibo adiga oo sariirtaada jiifto ayaa laguugu dilayaa”.

Dowlad  Goboleedlayada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan Odayaasha dhaqanka degaannada Galmudug  iyo Koonfur Galbeel ee dhawaan iska diiwaangeliyay meelaha ay ka taliyaan Al-shabaab.

Odoyaasha ayaa la filayaa in ay dib ugu noqdaan deegaanada kooxda Al Shabaab ka taliso asbuucyada soo socda si ay u soo dhamaystiraan casharadii loo bilaabay.

Cumar Nur (Atoore) oo ka mida ururada bulshada ayaa sheegay in ay qalad tahay in dowlada ay u goodiyaan odoy dahqan miskiin ah oo noloshiisa badbaadsanayo. Waxa uu yiri “hadii dowlada ay doonayso in aan Al Shabaab loo tagin ayaga ha weeraraan Kooxdaas oo ha soo xiraan inta ay cadaadis aan xaq ahayn saari lahaayeen oday naftiisa bad-baaadsanayo”.