Odoyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo ka biyo diiday fariimo uu Farmaajo u soo dhiibay Mursal

Reading Time: 3 minutes

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxmed Mursal  iyo ku Xigeenadiisa Cabdiwali Muudieey ayaa madaxweyne Farmaajo uga soo tagay magaalada Baydhabo si ay u qanciyaan odoyaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo wali ka soo horjeeda dowlada uu hogaamiye Farmaajo.

Malaaqayada tagay shirka ayaa ahaa kuwa ka yar toboneeyo oday halka intooda badan ay go’aansadeen in ay guryahooda iska joogaan.  Tiradii yareeyd ee u timid Maxamed Mursal waxa ay diideen in kala hadlaan fartiinnta ay sheegeen in ay ka wadeen Farmaajo.  Malaaq ka mida malaaqyada ayaa u sheegay in ayan wax wada hadal ah la fureeynin Lafta garden iyo Farmaajo iyada oo aan meel la soo saarin dilkii iyo dhibkii ka dhacay Baydhabo.

Maxmed Mursal ayaa damac ka galay in uu odoyaasha ku iibsado lacag. Maxamed Mursal ayaa yiri ” Madaxeynaha waxa uu idiin soo dhiibay xoogaa saabuun ah oo aad kaalmaysataan”

Mid ka mida odoyaasha  ayaa u sheegay MOL shirka ka dib  in aad ula yaabeen in Mursal u  yimaado isaga oo fartiin ka wada Farmaajo. Waxa uu yiri “waxa wax laga naxa ah in uusanba nagu soo hadal qaadin dhibkii dhacay ee uu ka hadlay kaliya sida Farmaajo u jecel yahay dadka reer Koonfir Galbeed, waxa xataa uu garan waayay in uu xaqa ka hadlo”. Waxa uu intaas ku daray “Digil iyo Mirrilfle qabri ayaa u galeen ee ha loo soo duceeyo mar hadiiba uu Maxamed Mursal hogaan u hayo oo ay talo ka sugayaan, yaa rabi!!…”.

Odoyaasha ayaa u sheegay Maxamed Mursal in ayan jirin cid u baahan wax la yiraahdo dib u heshiisiin, shacabka Koonfur Galbeedna colaad ma dhex taalo dib u heshiisiinta uma baahno, waxa is heystaa waa Farmaajo oo xasuuqay shacabka reer Koonfur Galberd si uu nin ay ehel yihiin ugu duleeyo shacabka reer Koonfur Galbeed.

Waxaa ka socda magalooyinka Baydhbo, Iidaale, Afgooye, Biyooleey, Diinsoor, Baradaale iyo Waajid quraan aqris iyo alla bari looga soo horjeedo Farmaajo iyo dowladiisa. Shacabka ayaa markii xoog lagu maquuniyay ciidan itoobiyaan ahna loo keensaday ayaa waxa ay istcimaaleen awood kale oo lagu yaqaano dadka reer Koonfur Galbeed oo ah diin iyo ilaah baris oo inta badan lagu soo  dhaqaayay deegaank ay dagaanka dadka reer Koonfur Galbeed. Isaaq Nur ayaa yiri ” Ilaah bariga socda iyo quraan akhriska ka socda Koonfur Galbeed mar aan fogeynin ayaa laga arki doonaa xafiisyada qaar”.

Marka aad u fiirsato sawirada odoyaasha ee la socda qormadaan  ayaad  arkeysaa ciilka ka muqda wajiyadooda iyo sida ay u dhibaysay in ay fadhigaas joogaan ama ay hor fariistaan Maxamed Mursal.

Dhanka kale Cabdicasis Lafta Gareen ayaan marnaba soo hor istaagi karin oday dhaqameedka Koonfur Galbeed madaama ay og yihiin in si been abuur ah lagu doortay isla markaana uu masali karin shacabka Koonfur Galbeed.

Maxamed Mursal iyi ku xigeenkiiisa ayaa isku dayaya in ay lacag ku kala furfuraan shacabka Koonfur Galbeed oo ay qabteen dib-u-heshiisiin oo been abuur ah oo loogu tagalay in lacag looga cuno Farmaajo.