Odoyaasha Dhaqanka Jubbaland oo sheegay in dadka la xireeyay yihiin kuwii saxda ah (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo hadal been abuur ah maalmahan danbe la isla dhexmarayay Magaalada Kismaanyo kaas oo ahaa in odoydhaqameed been abuur ah la xireeyay ayaa maanta waxaa shir jaraa’id ku qabtay magalaada Kismaanyo odyaasha dhaqanka kuwaas oo sheegay in odoyaasha la xireeeyay ay yihiin kuwii saxda ahaa.

Qaar ka mida musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha ayaa ku dooday in Axmad Madoobe xireeyay  odoyaal been abuur. Dhanka kale Dowlada Farmaajo ayaa dhankooda sheegay in ay odyaasha la xireeyay ay yihiin kuwa u adeega Axmad Madoobe.

Shirka Jaraa’id ee maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen odoyaasha dhaqanka ayaa waxa ka hadlay ugaaska Beesha Mareexaa, Ugaas Maxamed Ugaas Xassan Yarow  oo dhawaan ka soo baxsaday Magaalada Muqadishu ka dib markii halkaas lagu hayay mudo dheer iyada oo Farmaajo doonayay in uusan tagin Kismaanyo.

Ugaas Yarow oo ka hadlay shirkaas ayaa yiri wararka la faafiyay waa war been abuur ah, odoyaasha Jooga Kismaanyo waa kuwii rasmiga ahaa. Ugaaska ayaa ugu baaqay Dowlada Fedaraalka in ay faraha kala baxdo arimaha Jubbaland. Ugaaska ayaa sidoo kale sheegay in Dowlada Fedaraalka ay joojiso dareenka xun ee ay ka qabto odoyaasha dhaqanka oo ah kuwii horay u soo xuli jiray xildhibaanada hadana soo xuli doono kuwa muqtaqbalka.

Hadalka ka soo yeeray odoyaasha dhaqanka ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay  Farmaajo iyo kooxdiisa oo aan heli doonin marmarsiiyo ay ku diidaan natiijada la filayo in ay halkaas ka soo baxdo oo u muuqata in dib loo soo dooran doono Axmad Madoobe.