Odoyaasha Dhaqanka ee reer Hiiraan oo ka hor yimid baaqa Yuusuf Dabageed

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Dabageed)  oo kulankii uu xilka kula wareegayay ka hadlay ayaa  sheegay in uusan maamulkiisa maranaba ogolaan doonin in dadka reer Hiiraan ay dacwad u doontaan Maxkamadaha Al-Shabaab. Isaga oo la hadlayo shacabka waxa uu yiri  “Dadka Maxkamada u aada deegaanada Al-Shabaab waan xireynaa Shan kun oo dollar ayaan ganaaxeynaa iska aada Booco iyo Luuq jeelow,reer hebel ayaad tihiin cid idin soo qabaneyso majirtee iska aada Beledweyne ayaan ku kala baxeynaa”

Odoyaasha dhaqanka ayaa durbadiiba ka hor yimid hadalkiisa iyaga oo u sheegay in uu marka hore  nabadeeyo magaalada Baladweyne, oo maxkamad iyo boolis la aamini karo la dhiso. Mid ka mida odoyaasha dhaqanka ayaa yiri “ anaga sodon sano waxaan isku dhaqaynay diinta iyo dhaqanka walina ma arag dowlad aan aamino oo aan dacwad u geysano ama aan ku aamimo hantideyna”

Dadka reer Hiiraan ayaa aad u yaqaan dhaqanka Yusuf Dabageed oo ah nin ka haray kooxii loo yiqiinay dagaal oogayaasha. Waa nin horay u lunsaday lacag,  dilal badan ka geeysay deegaan Hiiraan.  Waxa jira dad uu ehelkoodii uu horay hanti uga dhacay ama uu dilay qaar ka mida ehaladooda. Hadaba side bay suuragal ku tahay in shaqsi noocaas ah ay shacabka reer Hiiraan cadaalad u doontaan.