Odoyaasha dhaqanka beesha Habargedir oo aqbalay codsigii Farmaajo, beritana la kulmaya? Maxay ugu talagaleen?

Reading Time: < 1 minute

Sida  MOL horay idinkugu soo tabisay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu in ka badan afar mar codsaday in uu kulan qado ama casho ah la qaato odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Habargedir laakiin beesha waa ay ka  diiday.

Ugu danbeeyntii kulan ay maanta yeelatay beesha aya la isla gartay in berito loo diro dad odoyaal ah oo soo dhagaysata waxa uu sheegayo ama uu rabo  in uu beesha kala hadlo.

Gudiga loo diray in ay la soo kulmaan ayaa diyaarsaday qaabkii ay ula hadli lahayeen iyo dadka la hadlaya, iyo waliba qaabka loogu soo bandhigayo dhibka uu u gaystay beesha gaar ahaan degaanka Galmudug.