Odayaasha beesha Liisaan oo diiday in ay la kulmaan hogaanka Ciidanka Itoobiya

Reading Time: < 1 minute

Odoyaasha Beesha liisaan oo ka mida beelaha dega degaanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Gobolka Bay iyo Bakool isla markaana ah beesha uu ka soo jeeda Mushaxa Mukhtaar Roobow ayaa ku gacan seeyray codsi uga yimid ciidamada Itoobiya.

Taliska hogaamiya ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa codsi kala duwan u diray beesha  Liisaan ee deegaanka Koonfur Galbeed, Codsiga ayaa waxa ay ku doonayeen in ay ku qanciyaan beesha Liisaan in ay ka tanaasulaan taageerida Mukhtar Roobow.

Beesha ayaa digniin u dirtay Ciidamada Itoobiya taas oo ay ku sheegeen in ayan mas’uul ka ahayn dhibka ku yimaada ciidanka. Waxaa la filayaa maal maha soo socda in mudaharaadyo rabshado wato ay ka dhicaan  deeganka Koonfur Galbeed kuwaas oo ka tarjumaya doorashada beenta ah ee lagu wado in ay berito ka dhacdo magalaada Baydhabo.