Odayaasha gobolka Hiiraan”Wasiir sabriye ayaa awood ciidan noo sheegtay,asiga ayaana diiday in colaada la xaliyo”

Reading Time: < 1 minute

Nabadoon dacir xirsi nuur oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeedo gobolka hiiran oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho ku yaala ayaa waxaa uu sheegay in dowlada federaalka ah ee soomaaliya gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha uu ku fashilmay xal ka keenida beelo ku dagaalamay gobolkaasi hiiraan.

Waxaa uu ku eedeeyay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Maxamed Sabriye in uu diiday odayaal in loo diro goobaha lagu dagaalamaayo asigoo adeegsanaya Ciidamada xooga oo uu sheegay in ay hogaaminayaan dad rabo in colaado sii jirto.

”Wasiirka ayaa noo diiday inaan u tagno dadka dagaalamaya oo aan ka codsano in ay joojiyaan xabada,ciidan ayuuna noo adeegsaday”

Nabadoon dacir xirsi nuur waxaa uu sheegay in ay hada dhigayaan gogol nabadeed tasi oo ay iskugu yaarayaaan labada dhinac ee dirirto dhex-martay islamarkaana ay iskacelinayaan cid walbo oo is hor istaagto.

”Diyaar baan u nahay inaan sameeyno gogol nabadeed,xitaa dowlada hadii ay diido waan u sheegeeynaa inaan colaad rabin,hadii intaas xal looga waayo waa in iyada qudheeda la iska qabto”

Gobolka hiiraan waxaa dhawaan ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed,ilaa iyo hadana ma jirto xal laga gaaray.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!