Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed, ayaa sheegay in xilligan aysan doorasho ka dhici karin Magaalada Baydhabo, oo jawi kacsanaan ah gashay shalay ilaa iyo maanta, kadib markii halkaasi ciidamada Itoopiya iyo ciidamo taabacsan dowladda dhaxe ay kasoo afduubteen Wadaadka Muqtaar Roobow
Odayaasha dhaqanka ayaa gobalka ayaa Madaxweynanimada si KMG ugu dhiibay gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Hunaa, oo horay usii hayay xilkaasi.
Doorahada madaxtinimo ee maamulka koofur galbeed ayaa saddex mar dib loo dhigay, arimo la xiriira faragalin toos ah oo dowladda Soomaaliya ay ku heysay doorashada maamulkaasi iyo damaceedii ahaa in meesha laga saaro madaxweynihii hore ee maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Magaalada Baydhabo ayaa gashay fowdo labadii maalin ee ugu dambeysay, sababa la xiriira, dowladda Soomaliya ciidamo tabacsan oo gudaha magaaladaasi ku xiray una soo gudbiyay Muqdisho M/ Roobow.