Shalay waxaa la ansixiyay Golaha wasiirada ee Maamulka K/galbeed Soomaaliya ka dib cod ay u qaadeen Xildhibaanada baarlamaanka Maamulkaasi,waxaana goobjoog ahaa Madaxweynaha loo dooray ee Cabdi casiis laftagareen.
Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa waxaa ka hadlay odayaasha dhaqanka maamulkaasi iyagoo sheegay in taasi ay tahay mid la filaayay islamarkaana ayna waxba soo kordhineeynin oo aysan bedeli kareeyn mowqifkooda ah in aysan ku qanacsaneeyn Hogaanka Lafta-gareen.
Suldaan Shariif oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay qaban doonaan kulan loo dhan yahay islamarkaana ay ku cadeeynayaan in ay ka bixi doonaan Maamulka K/galbeed Soomaaliya
Dad badan ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in Madaxweynaha Maamulkaasi loo dooray in uu sii kala fogeeyo reer k/galbeed mooye in uusan waxba soo kordhi kareeynin