Odayaasha dhaqanka hiiraan oo sheegay in ay Go’aan culus ka qaadan doonan Dowlada Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo kulan ku yeeshay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi ayaa waxaa ay sheegeen in ay go’aan adag ka qaadanayan dowlada Madaxweyne Maxamed cabdullaahi farmaajo taasi oo ay ku tilmaameen mid baal-maray rabitaanka bulshada islamarkaana awood sheeganeeyso.

Nabadoon dacar xirsi nuur ayaa warbaahinta u sheegay in Odayaasha dhaqanka oo mid ay kulan ku leeyihiin Magaalada Baladweeyne kaasi oo uu sheegay in uu yahay mid ay xaquuqdooda ku raaadsanayaan.

Dowlada Federaalka ah ee soomaaliya ayuu usoo jeediyay eedeeyn kulul waxaa uu sheegay in ay dayacday rabitaankooda islamarkaana aysan kasoo jawaabin dhowr cabasho oo ay u gudbiyeen kuwaasi oo ka dhan ahaa Madaxda Hirshabeelle.

Ujeedka kulankaani ayuu ku sheegay in uu yahay mid looga arinsanaayo maamul ku dheel uu sheegay in laga wado gobolka Hiiraan islamarkaana Maalin walbo la sameeynaayo xil ka qaadis iyo magacaabis aan hakad laheeyn.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!