Odayaasha Dhaqanka Gobolka oo sheegay lagu siray shirka Dhuusamareeb ka socda

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud islamarkaana xarunta u ah Maamulka Galmudug waxaa ka socda shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug kaasi oo ay qaban qaabisay Xukumada Soomaaliya,waxaana hadda soo baxaya eedeeymo xoogan oo arrintaasi la xariirta.

Suldaan Cabdi ciise oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shirkaasi lagu qiyaamay islamarkaana beelaha aana loo simin ergada ka qeeybgaleeysa.

Waxaa uu sheegay in beelaha qaar la siiyay 45-ergo kuwana la siiyay 32-ergo taasi oo uu sheegay in ay saamiqeeybsiga ka fog tahay.

Suldaanka ayaa xusay in ay go’aan ka qaadan doonan arrinkaan oo ay kasoo baxayaan shirka DHUUSAMAREEB ka socda.

Shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ee DHUUSAMAREEB ka socda ilaa iyo hadda ma jirto ajande laga dooday oo miiska lasoo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here