Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegayo inay Odayaasha Magaaladaas ay diideen in RW Kheyre yimaado magaalada Gaalkacyo
Ra’isulwasaaraha oo xildhibaano kasoo jeedo Gaalkacyo u diray inay isugu keenaan Odayaasha ayaa waxaa ugu dambeyn la diiday inay kulmaan.
Odayaasha Gaalkacyo ayaa Xildhibaanadii u imaaday u sheegay inaysan marnaba la kulmi doonin Ra’isulwasaare Kheyre iyagoo sheegay inuu ka baxay ballan ay horey u galeen.
Xildhibaanada kasoo jeedo Gaalkacyo oo isku dayey inay odayaasha ku qanciyaan la kulanka Kheyre ayaa lasoo sheegayaa inuu fashilmay kadib markii ay Odayaasha ku adkeysteen inaysan marnaba hor fadhiisan doonin Ra’isulwasaaraha.
Odayaasha ayaa Xildhibaanada deegaankaas kasoo jeedo u sheegay inaysan iyaga laheyn go’aanka Gaalkacyo sidaas darteedna ay go’aan ku gaareen inaysan wadahadal la furin Ra’isulwasaaraha oo ay ku eedeeyeen inuu ballan hore ku furay.
Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa oo waji gabax kala kulmay Gaalkacyo ayaa lasoo sheegayaa inay u baxeen dhanka Cadaado iyagoo hadda sii marayo Gelinsoor.
Ra’isulwasaaraha ayaa kusii jeedo Cadaado iyadoo sidoo kale ay diideen Odayaasha Cadaado in uu yimaado halkaas waxayna wararka halkaas ka imaanayo sheegayaan in Odaayasha Gaalkacyo ay ay gebi ahaanba diideen in ay la kulmaan Kheyre
Wixii kusoo kordho kala soco Muqdisho Online