Odayaasha Degaanka Yeed ee Gobolka Bakool oo Ka Carooday Goa’aan uu Qaatay Shariif Xasan&Xildhibaano Mooshin Bilaabay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya degaanka Yeed ee Gobolka Bakool aya shegeya in odayaasha iyo wax garadka deegankaasi ay ka carooden madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somaaliya Shariif Xasan Shiiq Adan.

Somaalidu waxay wax ku qeybsata hab deegan,deeganka Yeed oo ay wada dagaan Majeerteen,Ogaaden,Hadamo oo ah dadka ugu badan ee ku nool ama daga deeganka Yeed aya ka caroday in madaxweyne Sharif Xasan uu Maamulka Degankasi u Magacaabo shaqsi kaso u dhashay beesha Majeerten.

Shariif Xasan oo danayay in uu qanciyo beesha majeerten aya maamulka degankasi u magacabay maasul heebtiisu tahay Majeerten arinkaasi oo ka careysiiyay Beesha Hadamo oo Deegankaasi awood ku leh ama dadka ugu badan ee degankasi ku nool ah.

Odayaasha beesha Yeed oo goankaasi ka carooday aya haatan bilaabay abuul ka dhan madaxweyne Shariif Xasan iyado Xildhibanada kaso jeeda Deegankasi ay bilaabeyn Mooshin Ka Dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan si xilka maamulkaasi loga tuuro.

Wararka aya shegaya in kulomo kala duwan odayasha ay la qadanayan xildhibanada maamulkasi si loo dardar galiyo Mooshinka laga kenayo Shariif Xasan Shiiq Adan oo kol Si horeysay Xildhibanda qaar ay ku kacsanayeen