Iyadoo wali xiisad kacsanaan ah ay ka taagan tahay deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa wararka nagasoo gaaraya manta waxaa ay sheegayaan in odayaasha dhaqanku ay ka shirayaan arinkaan,wuxuu dhex maray Jeneraal Xasan Ibraahim oo wasaaradda difaaca ee Itoobiya u qaabilsan sirdoonka, iyo taliyaha milateriga ee bariga Itoobiya Jeneraal Balaay Sayuu oo dhinac ah, iyo Odayaasha dhaqanka iyo Bulshadda qeeybaheeda kala duwan
Odayaasha ayaa kulankaa waxaa ay diiradda ku saarayaan Arrimo amniga u badan iyo rabshadihii todobaadkii hore dhacay Magaalada Jigjiga,sidoo kale ay sheegeen in saraakiishu iyo odayaasha u sheegeen in ujeedada ciidanka ay u soo farageliyeen arrimaha kililka ay tahay sidii xaaladda loo dejin lahaa,oo aan hada fara lagu heeyn
Dhan kale Kulanka waxaa fadhiyey madaxweyne ku xigeenka cusub, Xamdi Aadan Cabdi, oo ku sime u ah madaxweynaha dhawaantan la doortay ee DDSI, Axmed Cabdi Sh. Maxamed sida aan xogta ku heleeyno