Odayaal Dhaqameedyo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Odayaasha oo labo ahaa ayaa Maanta waxaa Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ay ku dileen Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Goobjogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in labada Oday lagu dilay Gudaha Bakhaar uu mid kamid ah Odayaasha ku lahaa Agagaarka xaafada Nationka ee suuqa bakaaraha.

Labada Oday ee la dilay ayaa waxaa lagu kala Magacaabi jiray Axmed Muxumud Aadan  & Axmed Sheekh Cabdullaahi Fiqi Cumar, kuwaas oo degaan ahaan kasoo jeeda degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Weli majirto  cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas iyo sababta la dilay, iyada oo laamaha amniga Soomaaliya ay dilka kadib sameeyeen howlgallo baaritaano ah wallow aysan gacanta ku dhigin dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dilalka qorsheysan oo ay geystaan Kooxaha ku hubeysan bustooladaha iyo miinooyinka nooca dhulka lagu Aaso ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho, iyada oo saacadihii la soo dhaafay ay dhaceen dilal iyo qaraxyo miino.