Sharicyada sida degdeg ah lagu mariyay Golaha Wasiiradda maalintii shalay ahayd ayaa ujeedadisu ahayd in albaabada loo furo qaab uu MW Farmaajo uu sameeyn karo waqti karori marka xililigiisa doorashada dhamaato.
Sida ku cad qodobka 56aad ee sharciga doorashooyinka oo ay xukuumadu ansixisay, wuxuu ka hadlayaa dib-u-dhaca doorashooyinka, waxaana lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddada loo kordhiyo, haddii ay doorashadu qabsoomi waydo. Qodobkaan ayaa ah mid u saamaxaya Farmaajo iyo Kheyre in carqaladeeyaan doorashada ama abuuran daruufo keeni kara in ay dorasho dhicin taasi oo keenaysa in ay marmarsiyo u helaan awood kororsi.
Qodobkaan ayaa waxa uu dhigayaa: “Haddii ay suurtagali weydo doorashooyinka guud ee xubnaha Baarlamaanka dalku in ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, xubnaha Baarlamaanka xilka haya ayaa sii haynaya xilka Sharci-dajinta inta duruufahaas adag laga gudbaayo doorashaduna ka qabsoomayso, duruufaha adagna waxaa ka mid noqon kara in aanay doorashadu farsamo ahaan qabsoomi karin.”
qodobkaan oo sii socda ayaa oranaya: “Sidaa awgeed marka duruufaha adag dhacaan, Guddiga Doorashooyinku waxaa ay la tashanayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah oo uu ugu horreeyo Madaxweynuhu waxaayna Baarlamaanka u gudbinayaan qoraal xambaarsan duruufaha adag iyo asbaabta kelliftay in doorashooyinka dib loo dhigo.”
“Intaas kaddib, Guddiga Doorashooyinku waxaa uu ku dhawaaqayaa in ay doorashadii dib u dhacday, Muddada cusub ee doorashooyinka baaqday ku dhici karaan, waxaa cayimaya Guddiga kaddib marka uu qiimayn ku sameeyo xaaladda iyo muddada duruuftaas lagaga bixi karo”
Ma aha kaliya in Madaxweynaha loo kordhinayo balse wadaad iyagana loo kordhinayaa goloyaasha labada aqal. Qodobku waxa uu leeyahay: “Haddaba Muddada xil-haynta ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku waxa ay la kordhaysaa muddada cusub ee Goleyaasha Sharci-dejinta, maaddaama ay doorashadu xilligeedii ku qabsoomi wayday.”
Ujeedada loogu daray labada aqal ayaa ah in ayagana laga iibiyo waqti kororsiga. Talabadaan ayaa laga yabaa in ay taageeraan qaar ka mida xidihibaanada cabsida ka qaba in ay dib u soo noqdaan iyaga oo aan u daneynaynin dalka iyo dadks.
Waxaa nasiib xumo ah in sharcigii doorashooyinka oo intaa oo muddo ah loo fadhiyey in ujeedada laga ahaa ahayd in muddo kordhin (extension) loo sameeyo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.
Hadii tilaabadan la ogolaado ayaa waxaan shaki ku jirin in dalku gali doono xaalad keeni karta in dagaal sokeeye dalka ka dhaco isla markaana horumarka dalku sameeyay ilaa iyo hadda uu ku yimaado dib u dhac aan laga soo kabassen.