NISA oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Rag Sameeynaayay Walxaha Qarxa ka dib Howlgal laga sameeyay Gobolka Sh/hoose

Reading Time: < 1 minute

War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha Hoose kusoo qabteen hub iyo waxyaabaha qarxa.

Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in holwgal xalay laga sameeyay Xarun ay lahaayeen Al-Shabaab ee deegaanada Sabiib iyo Caanoole lagu soo qabtay waxyaabha qarxa hub iyo laba Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Hay’adda NISA waxa ay shaacineysay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish,hayeeshee aan weli Warbaahinta loosoo bandhigin.

Howlgal qorsheysan oo ciidanka amnigu xalay ka fuliyay Xafiiska Xizbada Alshabab ee Sabiid Caanoole, ayaa lagu soo qabtay labo xubnood oo Alshabaab ah, walxaha qarxa iyo saanad.
Muhiimadda koobaad ee ciidanka Amniga waa kahortaga Alshabab iyo badbaadinta shacabka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!