Nisa oo shaacisay in Xusseen Cusmaan Xusseen Hay’adda ka Ruqseeystay Warqadiisa Iscasilaadna u Gudbiyay Madaxweyne Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

war qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka Ee Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa waxaa lagu cadeeyay in Agaasimaha Hay’adaasi Xusseen Cusmaan Xusseen uu shaqadda ka tegay islamarkaana uu warqadiisa Istiqaalada u gudbiyay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Sidaan idinkugu soo baahinay wararkii hore Xusseen Cusmaan Xusseen ayaa waxaa uu damacsan yahay in uu isku sharaxo xilka madaxtinimo ee Maamulka Koonfur galbeed soomaaliya taas ayaana sababtay in uu xilka ka tago.

Xusseen Cusmaan Xusseen ayaa la rumeeysan yahay in uusan Howl-wanaagsan qaban intii uu joogay Hay’adda waxaana suuragal ah in loo helo shaqsi asiga ka wanaagsan.

Xukumadda R/wsaare Xassan Cali kheeyre ayaa Xusseen ku gubaabineeyso in uu tartamo si uu Culeeys u saaro shariif xassan shiikh aadan.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!