Ku simaha taliyaha Hey’adda NISA Yaasin Cabdullaahi Farey aya si deg deg ah uga soo jawaabay warbixintii uu ka codsaday wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ee ku saabsaneyd xaaladda Mukhtaar Roobow.
ku simaha Taliyaha Hey’adda NISA ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay tahay mid fiican isla markaasna wuxuu tilmaamay inuu dagan yahay guri ay si weyn u ilaaliyaan Ciidamada Dowladda.
Yaasiin ayaa sheegay in Hey’adda NISA ay bil kasta uga baxdo nolosha Mukhtaar Roobow lacag gaareyso illaa 7 Kun oo Dollar.
Wuxuu kaloo sheegay in qoyskiisa ay si joogto ah usoo booqdaan isla markaasna uu leeyahay dhakhtar si joogto ah ula socdo xaaladiisa Caafimaad.
Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in sababta uu Roobow u xiran yahay inay tahay maadaama uu kamid ahaa xubnaha Al-Shabaab isla markaasna uusan buuxin shuruudaha looga baahnaa dadka kasoo baxaya kooxdaas ee isku soo dhiibayo Dowladda.
Halkaan hoose ka akhriso warqadda Yaasiin Farey