NISA oo bilaawday falal anshaxa ka fog iyo tacadiyo bini aadanimo .

Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Ila wareedyo katirsan NISA ayaa Muqdisho Online uxaqiijiyay tacadiyo bini’aadanimo ay geestaan Ciidanka Ilaalada Shacabka Caasimada kuwaaso hoos taga Agaasinka Sirdoonka Caasimada NISA,

Waxaa baryihii udanbeeyay labaahiyay muuqaalo laga dheehan karo kuwa arxan daro ah, oo isugu jira jirdil iyo maskax dilis,

Ciidanka Ilaalada Shacabka ee NISA ayaa bilaabay fal ka fog anshaxa taaso ah fal qoomuluud nimo kuwaaso lagula kacaayo dhalinyarada ka tirsan xisbiyada mucaaradka ama baraha bulshada ku gudbiya dhaliisha ay u qabaan DFS Hogaankeeda MW Farmaajo,

Agaasime Abdullahi Kulane Jiiz Mareexaan siduu ula wareegay Maamulka NISA waxaa joogsaday ladagaalanka argagaxisada , NISA waxaa biloowday ugaarsiga Siyaasiinta Mucaaradka, Wariyayaasha , Dhalinyarada katirsan Xisbiyada Mucaaradka,

Agaasime Abdullahi Kulane Jiiz Mareexaan wuxuu isugu yeeray dhamaan howl wadeenada qaabilsan kaamirooyinka CCTV ee lagu dhajiyay wadooyinka Muqdisho, iyadoo laraba in dib loofiiriyo Muuqaaladaas waxaa ay duubeen si loobartilmaameedsado dadka lagu tuhmaayo ineey horboodayeen banaanbaxa,

NISA waxaay shacabka soomaaliyeed dib usoo xasuusineysaa habdhaqankii kaligiis Taliye Mohamed Siyaad Bare kaaso mucaaradka habeenkii guryaha kala bixi jiray dabadeedna meedadkooda soo dhigi jiray wadooyinka muqdisho,